Ogaysiis Muhiim Ah
Waxan Idiinka Filayna Boqasho Wanagsan Iyo Soo Dhoweeyn Dhamaan Shacabka Somaliyeed
Mamulka Somalifans
Somalifans@hotmail.com
| July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed oo la soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afartii dal ee Afrika xilligaas xorta ka ahaa, kuwaas oo ahaa Ethiopia, Somalia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa. Iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
Oct 21, 1969 - Inqilaabkii loo bixiyey 'inqilaabkii aan dhiigu ku daadan" ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jen. Maxamed Siyaad Barre. Jan 23, 1975 - Ayaa culimo Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur'aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975. April 21, 1978 - Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah ragii ku jirey fulinta Inqilaabkaas.
Sept 1978 - Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu beseshey (SSDF). Aug 7, 1990 - Jabhadihihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre. Jan 27, 1991 - Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Nov 17, 1991 - Awood ku dagaalankii u dhexeeyey qabqablayaasha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid aiyo Cali Mahdi Maxamed ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas. March 3, 1992 - Qabqablayaashii iska soo hor jeedey aya wad saxiixday heshiis xabad joojin ah oo ay soo abaabushey Qaramada Midoobey, laakiin waxay qabqablayaashu ku heshiin waayeen sida loo maaraynayo xabad joojinta. April 24, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaraamada midoobey ayaa ogolaaday in Soomaaliya loo diro 50 qof oo korka ka ilaaliya xabbad joojintii la kala saxiixday iyo Siyaad barre oo dalka isga baxay. Sept 19, 1992 - Qabqablaha dagaalka ee Maxamed Faarax Caydiid o ku laabtay Muqdisho, isla mar ahaantaasna diidey in la keeno ciidamada nabad ilaalinta. Dec 3, 1992 - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go'aamiyey in Sooaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo naba ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku. Dec 9, 1992 - Ciidamada Badda ee maraykanka oo caga dhigtay xeebta Muqdisho, ayagoo watay magacii ahaa "Hawlgalkii Rajo soo celinta". Jan 15, 1993 - Wadahadal ay soo qaban qaabisay Qaraamada Midoobey oo lagu qabtay Addis Ababa, ayaa maleeshiyooinkii iskaga soo hor jeedey Soomaaliya ay ku kala saxiixdeen heshiis ay ku joojinayaan dagaalka, heshiiskaas oo kamid ahaa heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen. May 4, 1993 - Maraykanka ayaa hoggaaminta ciidamadii ka hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyeye Qaramada Midoobey. Oct 3, 1993 - Sideed iyo toban ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey labo helicompter oo maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho. March 28, 1994 - Hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya oo si rasmi ah loo soo afjaray. Jan 2, 1995 - Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria. Feb 28, 1995 - Ciidamada badda ee Maraykanaka iyo ciidamada Talyaaniga oo ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey Soomaaliya. Aug 1, 1996 - Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey. Act 10, 2004 Waxa loo dortaay Co/Cabdi lahi Yusuf Madaxweynaha Ummada Soomaaliya W/Q Dr Yusuf Ali Somalifans@hotmail.com |
>Ha u cunina ribada (laab-Laab) kana dhowr-sada Eebe waxaad
mudantihiin inaad liibaantaane (suuraat Aali-cimraan 1:130)
Diinta islaamku waa Diin fari xalaal cunka,
Shaqada fiican iyo istaakulaynta
Mana ogola xaaraan cunka,
Iskhayaamidda iyo dulmiga ,
Ribaduna waa xoolaha dadkoo xaq darro iyo dulsaar lagu cuno,
Waxaana lagu ciqaabi Dhidhicid sida;
Ruux waalan Qiyaamada,
Cadaab iyo barako darro ,
Illeen Eebe kala gadashaduu baneeyaa ,
Ribadana wuu xarimaa,
Mana aha siday gaaladu sheegeen
In beeca iyo Ribadu isku mid-yahiin
Rasuulkuna NNKH wuxu Yidhi :-
Waxaan u Imid Habeenkii la
Dheelmay qaar calooshoodu
Tahay sida quryo oo abeesana
Dhex-socoto , waxaana dhahay
Waayo kuwaasi Jibriilow ?
Wuxuu yidhi :- kuwaasi waa
Kuwa cuna Ribada.
Waxa wariyey Imaam Ahmed.

W/Q Dr Yusuf Ali
Aishwarya Rai


Kareena Kapoor
>Magaca: Kareena Kapoor
Tariikh Dhalasho:21/Sebtember/1980
Naneeys: Bebo
Magalada Dhalashada: Bombay , Maharashtra , India
Dhererka:5'5"
Qof Ahaan : Naag
Shaqadeeda: Actress Ama Atoore/atariisho
Filiimka: Refugee
Waxbarasho: Jamnadia Narsee School , Mumbai Waxa Kale oo Aaya Ddhigateey Dugsiga Qanuunka Ee Dowlada . Government Law College In Churchgate.
Aabaha:Ranhir Kapoor
Hooyo: babita Kapoor
Walaasha Qaliga Ah : Karishma Kapoor Waa Inaan Aad logu yaqaano dhanka bollywood-ka
Awoowgeed: Raj Kapoor '' Waa Nin Wayeel aah Lakiin Caan Aah Dhanka Aflaanta''
Saxiibka-Qaliga Ah: Shahid Kapoor '' Shahid Yare Waa Inaan Aad Loga Daba Dhacaay Waana Saxiibka Kareena Ee Imiinka "


W/Q Yusuf Ali
Taariikhiyan Cudurkan Aidska waxaa markii ugu horeysay Dunida lagu arkay Wadanka Qaarada ah ee Mareykanka Sanadku Markuu ahaa 1981,Waa Mudo haatan laga joogo 26 Sanadood Taasi oo Macnaheedu tahay in qofkii ugu horeeyey ee laga helo Feyruska DHaliya Cudurka Aidska ee HIV inuu ahaa Qof Mareykan ah.
Cudur oo aan ilaa iyo hada Dawadiisa laheyn wuxuu Xilliyadii danbe si 'aad ah ugu fiday Wadamo badan oo ku yaala Qaaradaha Laatiin Ameeriga,Wadamo katirsan Koonruta Aasiya,Yurubta Bari iyo Wadamada Kulaala Saxaraha Africada Galbeed iyo Africada Bari,Gaar ahaan Dalalka Yugandha,Kenya,Itoobiya iyo Jabuuti.
Shucuubta Maanta la ildaran Cudurka Aidska Waxaa tiradooda lagu qiyaasay inka badan 40 Milyan,iyadoo ay Sanadkasta u geeriyoodaan Dad lagu qiyaasay Laba Malyuun oo Qofood, oo intooda badan kasoo jeedaan Africa iyo Aasiya amaba haddii si kale loo yiraahda ah Wadamada Dunida Sadexaad ee uu Horumarkooda iyo Dhaqaaluhuudu hooseeyo.
Qarnigan Casriga ee 21 aad Cudurka Aidska waxaa uu Faraba'an ku hayaa Wadamada Yurubta Bari ee horey uga tirsanaan jirey Dalweynihii Midowga Sufuyeeti ee "USSR".
Somalia iyo Cudurka AIDS ka Ka hor.
Xilliga ay jirtay Dowladii Dhex ee Somalia Wuxuu dalku lahaa Kaadiro Caafimaad oo aad u sareysay,isuguna jirtay Adeego Caafimaad oo lacag la'aan ahaa iyo xakameyn Caafimaad oo dhinackasta leh,Sida Cudurada iyo Daaweyntooda,Taasi ayaana Sabab u aheyd inaysan Dalka SOmalia ka jirin,Lagana Aqoon amaba aysan soo gaarin Cudurada Halista ah sida AIDS-ka oo kale,iyaddoo ay Xusid Mudan tahay inay Dowladii Somaliyeed ee Xilligaasi Bilad Dahab ah kaga heshay Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO kadib markii ay Somalia noqotay Dalkii ugu horeeyey ee Dabar gooya Cudurka Furuqa.
Hase ahaatee Wixii ka danbeeyey Sanadkii 1991 Dalka iyo Dadka Somaliyeed waxaa ay Bay lah u noqdeen Xakameyn la'aanta iyo Daaweyn la'aanta Cuduro Farabadan oo dalka si dadban iyo si toos ah usoo galay,kadib markii ay sag xada noqdeen oo la bililaqeystay Qalabyadii Adeega Caafimaad,Lana degay Goobihii Adeega Caafimaad ee Bulshada loogu adeegi jirey.
Dadka Somaliyeed iyo Aragtida ay ka qabaan Cudurka AIDS-ka
Diiniyan Dadka Somaliyeed waa Dad Muslimiin ah,Haystana Caadooyin ka turjumaya Dhaqankooda iyo Hidahooda,Qodobadaasi oo ku dhaliya Hab Nololeedkooda in waxkasta oo ku dhaca ay ugu sabraan Qadarta Alle,Sidaasi darteed intooda badan ha ahaadaan Reer Miye ama Reer Magaal maba aaminsana inu jiro Wax la dhaho Cudurka AIDS-ka,oo waxay aaminsan yihiin Arin Qandaraas lagu soo qaatay oo laagu talagalay in lagu yareeyo Guurka iyo Dhalmada iyo inay Aaminsan yihiin inuu yahay Cudur Gaalada kaliya loogu talagalay.
Wadanka Somalia ma ka jiraa Cudur ka AIDS-ka,Xagese kasoo galay???
Baaritaano Farabadan oo ay Samaayeen Dhaqaatiir Caan ka ah Somalia iyo Xog wareysiyo lala yeeshay Dhaqaatiirtaasi oo ay kamid yihiin Dr,Maxamed Maxamuud Cali "Fuje" iyo Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr,SheekhDoon Salaad Cilmi waxay Shaaca ka qaadeen in Cudurka AIDSka uu ka jiro Dalka Somalia,laguna ogaaday jiritaangiisa baaritaano lagu sameeyey Bugaano Dhowr ahaa oo doonayey inay DHiig Shubaan.
Dr, Maxamed Maxamuud Cali "Fuje" oo ka tirsan Hay'ada Caafimaadka Aduunka Laanteeda Somalia ayaa waxa uu sheegay in cudurka AIDS ka uu Somalia ka soo galay dalalka Dariska la ah,Sida Kenya,Itoobiya,Jabuuti iyo Yugandha maadaama aysan jirin Xakameyn Xududed iyo mid Caafimaad,Sababtoo ah buu yiri Somali badan ayaa u hayaamay Wadamadaasi kuwaasi oo u badnaa Dhalinyaro kadibna Dalka Dib ugu soo laabtay iyagoo Cudurkii Sida.
Wacyigelinta ay Cudurka ka HIV/AIDS ka Sameeyeen Shirkada Suugaanta iyo Aflaanta ee Waayaha Cusub.
Waxaa jirta Maah Maah Caafimaad oo oraneysa "Ka hortaga waxay ka wanaagsan tahay Daaweynta" Haddiiba aysan shaki ku jirin in cudurka AIDS ka uu ka jiro Dalka SOmalia loona Baahan yahay in wacyigelin xoogan loo sameeyo Shacabka ayaa aqoonyahano da'yar oo ka tirsan Shirkada Soo saarista Suugaanta iyo Aflaanta Somaliyeed ee Waayaha Cusub waxay Sanado ka hor sameeyeen haatana ay ku gudaha jiraan wacyigelin ku aadan Shacabka Somaliyeed,Taasi oo ku Wajahan in laga wacyigeliyo Halista Cudurka AIDS-ka .

Hadaba Aqoonyahano,Abwaaniin,Fanaaniin iyo Wariyayaal ka tirsan Shirkada Waayaha Cusub ayaa Sanadahaan u guntaday sidii ay Kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen Wacyigelinta Cudurka Dilaaga ah ee AIDS-ka iyagoo ka bilaabay Magaallada Nairobi ee Dalka Kenya,Gaar ahaan Xaafada ay Somalidu ku badan tahay,iskuulada,Garoomada Cayaaraha iyo Xarumaha kale ee la isugu yimaado Wacyigelin ku aadan Cudurka AIDS-ka waxa uu yahay,sida la isku qaadsiiyo iyo sida looga hortago Talaabooyinkaasi oo noqday inta Badan kuwo laga mira dhaliyey oo Guul laga soo hooyey.
Sidee loola Dhaqmaa Bugaanada Somaliyeed ee uu Soo Ritay Cudurka AIDS -KA??
Walow aan laheyn Tira sax oo cadeynaysa Tirada rasmiga ah ee Somalida ee qaba Cudurka AIDS-ka Hadana Xabiibo waxay ka mid tahay Bugaanada uu soo ritay Cudurkaasi sidoo Doono ha ugu dhecee,Mudo kabadan Sadex Sano ayey sidaa Cudurkaasi AIDS -ka Markii ay Dhaqaatiirtu cadeeyeen inay qabto Cudurkaasi.
1:- Waxay Qaaday Cuqdad Nafsi,taasi oo dhalisay inuu hoos u dhaco Miisaankeeda oo ay noqoto Laf iyo Maqaar ama waxa Caafimaadka lagu yiraahdo Marasmic
2:- Waxay ka go'day la socodkii dadka Gaar ahaan Asxaabteedii ugu dhawaa
3:- Waxaa lagu bilaabay in la Tagooro oo aan lala socon,Wax lala cunin,wax lala cabin,lala Seexan isla markaana Salaanta laga qaadin, iskaba daa in xitaa Television -ka lala Daawado ama loosoo galo Qolka ay ku jirto,intaasi waxaa u dheer inay Waalidkeed Tagooreyn oo si Gaar ah loogu sameeyey Weelal loogu geeyo Raashinka iyo in Xaafaddii laga raray oo la dajiyey Xaafad kale oo Familkaasi ka fog.
Gaba gabadii Waxaan kusoo Afjareeynaa Wacyigelinta Puntland.blogsomalia ma noqon doonto Talaabo halkaasi ku siman Waa Barnaamij sidiisii ubilowday oo aan marnaba laga Daaleyn,inagoo u baahan Gacansiintaasi ku aadan Arintaasi.
Qoraalka Waxa Soo Saraay Mudane Dr Yusuf Ali
Email:- Bosaso@myway.com
SI AAD ISAGA ILAALISO CUDURKA DAACUUNKA RAAC QODOBADAN
cudurka daacuunka waa miid ka miid aah cuduraada ugu dhibaato badan daad fara badan oo somali aah naa sanad walba ayuu laya lakiin side la iskaga ilaalin kara cudurka naxdiinta leh raac sidaan hoose
1.'' BIYAHA LA CABBO DHIGO MEEL KA GAAR AAH BIYAHA KALE EE GURIGA LAGA ISTICMAALO ''
2.'' CUN RAASHINKU INTA UU DIIRRAN YAHAY''
3.'' CAB BIYO AY KOLORIIN KU HIRTO AMA BIYO KARKARSAN''.
4.'' KU DHAQ GACMAHAAGA SABUUN AMA DAMBAS KA HOR INTA AADAN CARRUURTA CUNTADA SIININ''
5.''KU DHAQ GACMAHAAGA SABUUN AMA DAMBAS KA HOR INTA AADAN CARRUURTA CUNTADA SIININ''
6.''GACMAHAAGA KU DHAQ SAABUUN AMA DAMBAS KA DIB MARKA AAD SAXARADA ILMAHA KA DHAQDO''
7.''KU BADBAADI ORS QOFKA AAD KU ARAGTO SHUBAN BADAN''
8.''KU DHAQ GACMAHAAGA SAABUUN AMA DAMBAS INTA AADAN BILLAABIN KARINTA CUNTADA ''
9.''KU DHAQ GACMAHAAGA SAABUUN AMA DAMBAS MAR WALBA OO AAD MUSQUSHA SOO ISTICMAASHO"
'' nadafaadu waa iimaanka barkii waxa dhahay nabi maxamed SCW waa xadiis saxiix aah ''
BY Dr Yusuf Ali
W/Q Yousse
Email:- Bosaso@myway.com
su'aal:-Wariye waa kuma ? jawaab:- waajibka weriyaha dadalka u dhacay waa ka rurjuma dareenka dadweynaha dhiirrigelinta dareenka suuban iyo qaawinta ceebahooda< Qore Mahatma gandhi


( BAAQ ) |
|||||||
|
Maqaraaruf ceebeedka iyo mahadhadaan taagan
Macangagnimo lagu faano iyo maati baan laynay
Muqdishaba qofkii minid maqlaa waa matagayaaye
Waxa dambi makaankeenna yaal Mushrik ka qiirooye
Majuustiina nala yaabtay iyo Mulxidkii gaalaade
Xoolaha macaac lihi gar u leh iney mahmaahaane
Geedaha la maagana maxkamad muddac u aadaane
Haddaan Mowlahey noo naxeyn midi ma joogeene
“Yaa ii muslim ahey” haddey maanta maad noqotay
Oon qabyaalad moodeyno weli iney macaash keento
Quluubtiina ay mirirsantahay waa mashaqo weyne
>>> Magacaada Mowlow haddaan maanso ku billaabo
Mu’min kuu cibaadeysta iyo Mulxidka gaaloobay
Majuus iyo Masiixiyo Yuhuud maaro loo waayay
Iyo kii Munaafaqa intuba kaama maarmaane
Inuu Musdafe Nabigaadi yahay aaminkii Muxamed (SCW)
Adiguna Macbuudkeenni tahay waa midaan qiraye
Mulkigaadu weynaa Rabbiyow doqon uun baa mooge.
Midabkoodu waayaha adduun gelinba waa muuqe
Waa murugo mar ay kuu tihiyo maalin faraxeede
Dhaaxaan ayaan maahsanaa sida majnuunkiiye
Dhaaxaan manfacii quudka iyo muufadii nacaye
Dhaaxaan maskaxda shiilayoon mariyay suugaane
Dhaaxaan digniin meela iyo miisay waanadaye
Mas’alooyin dhaaxaan rogrogay mustaqbalkeenna ahe
Maalik weynow dhaaxaan ducada Yaa Mannaan iriye
Muuqaalkii aan filanayoon muddada dhowraayay
Ma la gaaray meeshaan rabiyo waxan maleynaayay?
Ma gilgilatay magaaladii ba’daye nacabku miineeyay?
Inuu shacabku wax maquunin karo maanta ma caddaatay?
Nimankii musiibada ahaa sow ma liqin moolku?
Mowjado rogmada sow ma helin maanyo hirarkeedu?
Nabsigii mijaha sow ma qaban miigna uma taagin?
Sow maro-daf lama eedin iyo mudullo baarbaarad?
Sow lama matagin doollarkii marrasta loo laayay?
Sow ma mirqin mid kireysan iyo macangag yaahuu ah?
Mooryaantii sow lama qabqaban macashu dheeraatay?
Maandooriyiyo sow ma bi’in munkarkii faafaayay?
Meles meeshuu soo muudi jiray sow iskama moosin?
Malqabadda kuwii dafi jiriyo macawis duugowday
Markii jirri marqaan waalay iyo Murux la raacdeeyay
Marinadii ay tuugadu xirtee looga kala maagay
Sow dariiqyadii lama marmaro mirir bir loon oollin?
Sow jidgooyadii lama masixin meherad qaar mooday?
Sidii maalin ciideed dadkoo farxad la muusooday
Maashaa- Allee sow Muqdisho lama mushaaxaayo?
Maangaabkii la hubeynayee mindiyo loo dhiibay
Ee maxastay dabargoynayeen lagu masruufaayay
Waa mahade Mukulaal madow sow macaluulin?
Madaarkii diyaaradaha iyo meeshii laga quustay
Dekeddii maraakiibtu sow maal ka rogi meyso?
Maatidii la dhibay sow Cabdow leyri mari mayso?
Dhagaheennu waxa ay maqlaan sow mashxarad ma aha?
Middii uu Ilaahey na faray meel u wada jeesad
Muwaafaqadu iney guul tahaan dhaar ku marayaaye
Miraheedi waa taa la guran maalmo gudahoode
Mashaa’ikhdiyo sow culimadii la marxabbeyn maayo?
Sow masaajiddii lama cammirin mowlacyadii diinta?
Cadowgii na maagmaagi jiray sow madluun ma aha?
Annaguna Maqsuud sow ma ahin muranku waa ceebe?!
Bulshayahay miskiin baad ahayd marag Ilaaheeye
Mashaqadu markeey kugu dhacdayeed meehannaabaysay
Colaad waa musiibee markey xaajo kaa murugtay
Waa lagugu maadsaday adoo meyd ku hoos yaalle
Mucaawino ifkaan laguma arag madfac la tuura ahe
Mallaariyada waa yaab la yiri Mootarkow roone
Micnihiisa garo Miin dhibco leh waan maldahayaaye ?!
Mabda’ beena iyo maal adduun malafsi aan raagin
Adigoo mashquul ku ah murdinta malas ku hoos taalla
Yaa lagu muraaddeyn lahaa waadse moogtahaye
Dhulkey maqashu kuu daaqdo iyo beerihii mooska
Milkigiisa waxa loo tartamay meeshad huruddaaye
Haddaan maya Ilaahey dhaheen mandaqaddoo iibsan
Marti inaad ku noqon layd adaa ii marqaati ahe !!!
Maantana halkaad gaartayee laga maseyraayo
Muruq laguma keenine Allaan mahadineynaaye
Muluqmuluq iyadoo aan la galin talo ma-dhaafaan ah
Waxba yaan maqaarsaar la shirin maahsaniyo tuuge
Waxba yaan mariid nalagu dhihin waa macaanyahaye
Waxba yaanan marinkii la dedin guusha loo maraye
Rabbi magane aan malabsannee Musxafka taageera.
Mooskiyo Mareykan ma rabaan Yurub ma yeeleyso
Waa mataatac hadalkiisa iyo sheeko maraxeede
Waan madaxbannaannoo maxmiyad ma ahin tooda ahe
Iyaguba waxay maagganyihiin waw muhiim sir ahe
Munaaqishana kama yeelannoo waa mamnuuc abide
Waxba yaan Malyuun deeq ah iyo layna siin maale
Ninba waa middiisee war aan teenna meel marinno
Mu’aamaraddii ay nala rabeen iyo muraadkoodii
Marxabbiyo markii aan ku niri maafiyoy yeelnay
Mujrimiinta kuwii noo xulee mirayay hoygeenna
Midkii naga dhaqaaqaba qolyihii gooyay madixiisa
Marwooyinka kuwii laayayee mudaneyaal dooxay
Miimii qofkii wali u lihi weyska maac yiriye
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.
Masaaliix in la is dhaafsadaa waa mubaax duniye
Ha yeeshee nin qaan kaala maqan oo mag kuu diiddan
Oo wali magliyo soo watoo ku leh mar ii seexo
Miyir ruux leh waa waxanan qaban sidan maleeyaaye
Dad maquuno lagu maalo oo dhaqankii maarreey leh
Maxbuusiin inaannaan ahayn mooro ugu owdan
Haddey nimanku maan leeyihiin saaka yow meersha.
Inkastoon mas’uul nahay isagaa kownkan maamulaye
Qaaddirka haddaan magan galloon maqalno qowlkiisa
Haddaan noqonno Muslimiin dhaboo sunnaha maamuusa
Waa mugdi qabyaalade haddaan meel isaga tuurno
Midnimaa wanaag lehe haddii aan la kala miirmin
Haddii masaska aan didinno iyo mici ku dhiigloo dhan
Hadduu maanku taliyoo la naco muhallig qowsaar ah.
Midkanaa i xiga iyo haddaan mudmudka reer dayno
Haddii kii maslaxaddeena wada aan mudnaan siinno
Haddaan xilku wax nacas muudsadiyo noqonnin maaweelo
Oon sida macaashkii la dhuran hanti malaayiin ah
Caddaaladdu haddey muuqatoo xaakin miisaamo
Muxibbiyo kalgacal inuu imaan waa mid aan hubeye
Inuu muuqan magaceenni dhumay waa midaan hubaye
Ma hubeysnid inaan la is lahayn waa mid aan hubaye
Macaluul in lagu diimayaa waa mid aan hubaye
Iney gurmad masaakiintu heli waa mid aan hubaye
Madaariistu iney badanayaan waa mid aan hubaye
Maatidu iney wada duceyn waa midaan hubaye
In shisheeye laga maarmayaa waa mid aan hubaye
Mowlana inaan hiil ka heli waa mid aan hubaye.
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise
Muslinnimadu waa xaqe mintida Macmalka yeelkiise.
xuquuqda waxa iska leh >
Dr. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com
Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale
Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde), wuxuu ku dhashay Galoolley, oo ku taal duleedka magaalada Gabiley, sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay, isla markaana uu ii xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Timacadde ilma-adeer ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Xabiiba Seed Guuleed.C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa darteedna wuxuu dhashay 1920-kii. C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi. Wuxuu ku koray degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur'aan.
C/laahi Suldaan, isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya, waxaanuinta badan ku noolaa magaalooyinka Adari (Harar) iyo Diridhabe. Timacadde wuxuuItoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa. C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen. Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid. Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur'aanka iyo diinta ka barto. Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa, isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ayC/laahi Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay MaxamedDugsiiye isku 'Batalyan' noqdeen.
Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii.
C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga gabyi jiray. Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da'da ahaayeen, kuwaas oo dadku aad u xiisayn jiray.
C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah; "Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha."
C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay. Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.
C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii, isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:
Xaliimo C/Laahi Suldaan
Maxamed C/Laahi Suldaan
Mako C/Laahi Suldaan
Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.
C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii
gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday. Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa.
1960-kii kadib, markii gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas. Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga.
Beryihii dambe ilaa doorashadii 1969-kii, Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay.
1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday taladii dalka kula wareegeen
inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba sida ugu roon isu beddeli doonaan.
Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku guursaday Ardo Tukaale 1971-kii, waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya. Carruurtii Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan, Nimco iyo Sam-sam oo keliya oo xaasas ah.
1971-kii, C/laahi Suldaan waxa ku sii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha. Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay dalka Kenya. Tima-cadde waxa la dhigay 'Kenyatta Hospital', oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya.
C/laahi Suldaan wuxuu ku dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd. Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.
C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii, 1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga soo qaaday Kala-baydh, iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo'e

Bacda salaan tixdan hoos kamuuqata waxaa tiriyey nin la yidhaaho Hurre Dabayl, tixdu iyada ayaa is fasiraysa waxaana ogahay bulshada soomaaliyeed inaan hadalka loo tafsiirinba oo ay yihiin umad aad ugu xeeldheer xaga baandhaynta hadalka oo waxaaba laga yaabaa adigii sheegey inayba sidii aad u rabtey si kaga haboon mararka qaarkod iyagu uduwaan, wixii su'aala ah, sixida iyo dhaliilba diyaar baan u ahay insha allah sidaa iyo akhrin wacan
Da'da maanso doorkeeda gabay amase deeleeyda
Doodeeda nimankii yiqiin daaye midhihiiye
Dabaylaha socdiyo waxay arkeen dayra dhaaf yada'e
Ninweliba markuu daqaqamay dib uga maageene
Daab_gudinka lala yaacayay doc uga baydheene
Aniguna daleel baan kahelo waysku deyeyaaye
Qaaruu duwaday oo ibleys dacay geshoo waalay
Shaydaan inuu duufsadoo dalow ka tuuryeeyey
Dijaal iyo nimruud baa kakacay degeladeeniiye
Diintuna danteen maahabay duhur yidhaaheene
Dastuurkii ilaahay markii debeda loo tuuray
Dariiqii rasuulkiyo intii dawgi laga leexday [SCW]
Diiwaanki gaaladu qortaa deegta noo sudhane
Daliil waxan u soo qaadaniyo waxay ku doodaanba
Diimuqraadi mooyee mamaqal daa'im baayidhiye
Dulmigii fircoon lagu rogaan dabada haynaaye
Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey
Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene
Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene
Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye
Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye
Nimanyohow damiir xumada waa lagu duloobaaye
Nin dayacay dalkii uu xukumay waa damiinimo'e
Dareenkaygu diid ina ragow waxad dul joogtaane
Dad_qalatooyin baa soo bixiyo qaar dad qaadya’ahe
Duubi weyne iyo suudi iyo duulkaloo wehesha
Dugaal malaha cali geeddi iyo xayle dabagaabe
Dilaa weeye ina yuusuf aan waana dahirine
Duruus iyo culuun wuxu yaqaan dumiya weeyaane
Dillaaleyda nimmankii ahaa daydaygiyo hoogga
Dugaagii in badan joogey iyo diiratadi dhaaftay
Dulinkii arliga boobayoo degelka qaadaayey
Daafkii indhaha ina tiriyo tiibbey nagu daahday
Dabadheer abaartii ahayd lagana soo doogey
Duufaanti ina soo martiyo durrey wixii yiiley
Duumadii fadhiyey koonfur iyo cudurki daahyaale
Duligay wadaadadu baxsheen lagana daawoobey
Duulkii horoo xamar fadhiyey wax'isma doorshaane
Darkan maanta joogiyo iyagu waa dirkii ba'aye
Danna kamale soomaaliyeey dabar go'aagiiye
Si'uu ugu dangiigsado kursiga uguna dooyaysto
Dallacaad si uu ugu heliyo dereja dheeraada
Dawlada shisheeyiyo intuu duulal ugu yeedhay
Duulaan intuu ciriyo dhulla daafta kala raacay
Dugaag iyo intii uu dalbaday dooxtiyo qawle
Diigaanya gaalaa intuu xamar dabaalsiiyey
Digifiyo amxaar iyo tigriyo doofil noo taliye
Duqayn iyo madaafiic intuu daawa uga yeelay
Dabaabaadka aan guban wixii nalagu soo daayey
Kaaraha dandaamani wuxuu dulun_dulcaynaayey
Afartaa sidii danab qarxaday dininig maw yeedhshey
Diryaanka iyo qaylada dheguhu haba dilaaceene
Dananka iyo qoobkii farduhu duul ha kiciyeene
Diyaar haw noqdeen inamadii diinta loodhigaye
Dab weyn waa inaan oogo oo dogobya saaraaye
Dumar wada xijaabnaa kufrigu wuxu ku doobyaayey
Hablihii daboolaa wixii daaha laga qaaday
Darmaan ugub dariiqyada wixii lagu dulaalaayey
Diinlaawe jaahili wuxuu doca docaynaayey